DF SOMALIA oo shaacisay cinwaanada gobollada dalka iyo Post Code-kooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta dawladda Federaalka Soomaaliyeed waxay muddooyinkii dambe aad ugu hawlaneyd dardargalinta iyo dib usoo celinta adeeggii boostada dalka. Wasaaraddu waxey ku guuleysatay in maanta ay waraaqaha dalka dibaddsiisa ka yimaadda ay soo gaaraan dalka iyadoo wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintuna gaarsiiso gobolada dalka Soomaaliyeed.

Wajiga labaad oo hadda gabagabo ku dhaw ayaa ah in wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintu diyaarineyso in umadda Soomaaliyeed ay bilaabaan diritaanka waraaqaha ay u diraan dalka dibaddiisa.

Sidaas darteed wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintu shacabka Soomaaliyeed la wadaageysaa qaabka ay wasaaraddu rabto iney u habeyso cinwaanada gobolada dalka taasoo sahli doonta in waraaqaha yimaadda dalka ay si toos ah u tagaan meelaha loogu tala galay ayna u sahlanaato wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta.

Magacyada Gobolada iyo Post Code-kooda

1- AD = AWDAL

2- BK = BAKOOL

3- BN = BANAADIR

4- BR = BARI

5- BY = BAY

6- GG = GALGADUUD

7- GD = GEDO

8- HR = HIIRAAN

9- JD = JUBBADA DHEXE

10- JH = JUBBADA HOOSE

11- MD = MUDUG

12- NG = NUGAAL

13- SG = SANAAG

14- SD = SHABEELLADA DHEXE

15- SH = SHABEELLADA HOOSE

16- SL = SOOL

17- TG = TOGDHEER

18- WG = WAQOOYI GALBEED

Gobol-walba waxaa raaci doona Number, dagma walbana waxay yeelaneysaa Number khaas u ah. Tusaale ahaan gobolka Banaadir waxuu qaadanayaa 1000 (BN 1000) waxaa markaa kadib raacaya Numberka dagmada iyo numberka guriga qofka.