Xog: Lacag malaayiin dollar ah oo usoo xarootay dowladda Somalia (Xaggee?)

Dowladda Federalka Somaliya, ayaa Malaayiin dollar ay ka heshay saddex ka mid ah dalalka Islaamka, si wax looga qabto baahiyaha ay maanta qabto Dowladdu.

Dalalka Sacuudiga, Qatar iyo Turkiga, ayaa Dowladda Somaliya ugu yaboohay lacagtan, waxayna khasnadda Dowladda ku soo dhacday maalmihii ugu dambeeyay.

Lacagaha ugu badan, ayaa waxaa bixisay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ka dib markii bishii September Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Magaalada New York kula kulmay Boqorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Abdullah ibn Abdilazīz, dhowaanna uu ka qeyb galay Xajka, wuxuuna Madaxweynuhu ka codsaday in Sacuudigu uu ka caawiyo, sidii loo dabooli lahaa baahiyaha qaar ay qabto Dowladda.

Abdullah ibn Abdilazīz, ayaa waxa uu Madaxweynuhu ku wargeliyay in Dowladdiisu ay soo diyaariso dokumenti ku qoran, baahiyaha ugu daran ay Dowlddiisu qabto. Dokumentigaasi oo diyaarsan waxaa Sacuudiga 10 maalmood ka hor gaarsiiyay Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka Somaliya Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed.

Warar madax banaan, ayaa waxay sheegayaan in Boqortooyada Sacuudiga ay sanad kasta bixiso lacago Zakaawaat ah, ayna sanadkaan siisay Somaliya.

Lacagta uu Sacuudigu siiyay Somaliya, ayaa waxaa la tilmaamay in loogu talla galay in lagu horumariyo waxbarashada Somaliya, dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo xasilinta ammaanka goobaha, ay gacanta ku heyso Dowladda.

Turkiga, ayaa waxa uu bixiyay lacag iyana qeyb ka ah lacagta Turkigu bil kasta siinaayay Somaliya, oo muddo 10 bilood ah isu uruurtay, mar qura la siiyey DF, laguna qiyaasay 45 milan. Turkiga ayaa bishii Janaayo Somaliya ka jaray 4.5 oo dollar oo bil kasta uu siinaayay, iyadoo uu bishaan dib u bilaabay.

Dowladda Carbeed ee Qatar, ayaa waxaa iyana la sheegay in ay Somaliya ugu deeqday lacag dhan 50 milyan oo dollar, si wax looga qabto arrimaha ammaanka, dib u dhiska wadooyinka iyo soo celinta adeegyadii bulshada.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Somaliya, ayaa ku waramaaya in dalalka Reer Galbeedka ay la socdaan dhaqaalaha faraha badan leh ee la soo gaarsiiyay gacanta Dowladda Federalka ee Somaliya, isla-markaana ay isha ku hayaan sida loo maarayn doono.

Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud oo billihii ugu dambeeyay la foollaneysay dhaqaalo xumo, ayaa waxay u muuqataa in billaha soo socdo ay heysato kharashaadkii ay ku wado maro laheyd.

Isha: Dhacdo