25.2 C
Mogadishu
Friday, February 13, 2026

Xog: CC oo Xasan u sheegay inuu magac u yaal..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Ilo ku dhow dhow Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa xaqiijiyay in Ra’isul wasaare Cumar uu Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud la qaatay kulan socday ku dhawaad hal saac kaasi oo ay uga wada hadlayeen arrimaha amaanka.

Kulanka oo barbar socday la tashiyo uu Madaxweyne Xassan la sameynaayo Golaha Wasiirada oo ku aadan jilicsanaanta amniga magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lasoo warinayaa in Ra’isul wasaaraha uu ka cudur daartay in wax laga weydiiyo arrimaha amaanka.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa Madaxweyne Xassan markii ugu horeysay u sheegay inuusan shaqeyn karin xiligaani haddii Hay’adaha amniga khuseeya aan wax laga bedelin.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in Sababta uu Sharmaarke uga cudur daartay arrimahaasi ay tahay in mar waliba isaga lagala xisaabtamo amniga dalka ka hor inta aan wax laga weydiin Hay’adaha amniga haddana aysan jirin tixgalin iyo dhageysi kala dhexeeya Taliyayaasha Hay’adaha amniga.

Sharmaarke waxa uu Madaxweyne Xassan Sheekh ka dalbaday in wax laga bedelo amni darida taagan iyo qaabka ay u shaqeynayaan Taliyayaasha Hay’adaha amaanka oo badi uu magacawday Xassan, haddii taasi la waayana aan wax laga weydiin karin amniga dalka.

Sidoo kale, waxa ay xogta aan ka heleyno dhanka Xafiiska Ra’isul wasaaraha intaa kusii dareysaa in Ra’isul wasaare Sharmaarke uu Madaxweyne Xassan Sheekh usoo bandhigay inuu xilka ka qaado Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar, sidoo kalane xil ka qaadis lagu sameeyo Taliyaha Sirdoonka iyo Nabadsugida Somalia Tuuryare.

Madaxweyne Xassan oo ka duulaaya cudur-daarka Sharmaarke iyo Codsiga uu gudbiyay ayaa waxaa lasoo warinayaa inuu aqbalay, balse uu dhameysanaayo la tashiga uu iminka la sameynaayo qaar kamid ah labada Gole ee Dowlada, si mowqif mideysan loo helo.

Arrintaani ayaa imaaneysa xili muddo laba bil gudaheeda ay magaalada Muqdisho ka dhaceen Qaraxyo kor u dhaafaya 14 Qarax oo u badan ismiidaamin iyo kuwo gaadiidka loogu xiray Shaqaalaha Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News