26.9 C
Mogadishu
Sunday, February 15, 2026

XOG: XASAN oo Sweden uga baaqday hal arrin

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheikh uu ka baaqday safar uu ku tagi lahaa dalka Sweden, balse lama sheegin waxyaabaha sababay.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inuu u baaqday howlo badan oo soo kordhay darteed, waxaana warsaxaafadeedka u qornaa sida hose.

Warsaxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaabiyey socdaal uu ku joogay dalka Jamhuuriyadda Djibouti, dibna ugu soo laabtay dalka, si uu uga qeyb qaato, una horkaco dadaal dowladda ay dib u eegis ugu sameyneyso xaaladda amniga ee magaalada Muqdisho oo ay dhowaan ka dhaceen weeraro kale oo argagixiso.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dib u dhigay safar rasmi ah oo uu ku tegi lahaa magaalada Stockholm ee dalka Sweden 1-da ilaa 3-da bisha March 2016.

Booqashadan ayaa looga gol lahaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Soomaaliya iyo Sweden waxaa ka dhexeeya xiriir qota dheer, siiba dhinacyada horumarinta, dib u dhiska, soo dhoweynta qaxootiga Soomaalida ee Sweden iyo gargaarka aadmiga.

Madaxweynaha ayaa waxaa u qorsheysneyd inuu kulamo la yeesho Boqorka Sweden, Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno ka tirsan xukuumadda Sweden, kana wadahadlaan horumarka Soomaaliya ay ka sameysey dhinacyada siyaasadda, dib u heshiisiinta, xoojinta taageerada Sweden ee dhinaca maalgashiga dhaqaalaha gaarka ah iyo arrimo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu shacabka iyo dowladda Sweden uga mahad celiyay martiqaadka loo fidiyey, balse waxaa uu si weyn uga xun yahay dib u dhaca ku yimid socdaalkiisa, sababo la xiriira xaalado soo kordhey awgood.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in marka ay xaaladda saamaxdo uu tegi doono Sweden.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News