Xog: Sheekh Shariif oo ka badbaaday shirqool lagu dhaawici lahaa sumcaddiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo dhowaan laga diiday in uu u duulo magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, ayaa ka badbaaday shirqool sumcaddiisa ay ku dhiman lahayd oo lala rabay.

Madaxweyne Shariif, oo ah hogaamiye saameyn ballaaran leh, sidoo kalane lagu tiriyo dadka ugu dhow ee Soomaaliya hogaankeeda ku soo laban kara, ayaa dowladda Kenya iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya waxay usoo jeediyeen in uu diyaarad Milateri ka raaco magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, taas oo toos u tageysa Kismaayo.

Inkastoo ay magaalada Kismaayo saarantahay xanibaad ay ku soo rogtay dowladda Soomaaliya ayaa hadane Kismaayo waxaa si maalinle ah u taga diyaarado dagaal oo ka baxa Nairobi iyo kuwa UN ah oo aysan waajib aheyn in ay Muqdisho soo maraan ama Kismaayo laga celiyo.

Caasimada Online, ayaa xog ku heshay in masuuliyiiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay u soo jeediyeen in uu ka baxo Nairobi islamarkaana uu qaato diyaarad Milateri maadaama uu yahay masuul xushmad leh oo dalka xil muhiim ah ka soo qabtay. Sidoo kalane uu saaxiib la yahay hogaanka dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda Kenya ayaa Shariif usoo jeedisay in isaga iyo wafdigiisaba ay siin doonto diyaarad Milateri oo ka qaada Nairobi toosna u geysa Kismaayo kana soo celisa balse waxaa warkaasi diiday Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif, hadii uu raaci lahaa diyaarad milateri oo ay leedahay Kenya, waxa lagu eedeyn lahaa in uu xariir la leeyahay Kenya islamarkaana uu kala shaqeynayo qabsashada degaanada Jubbaland iyo ka guul gaarida murunka Badda.

“Waxay geliyeen waqti dheer iyo maskax in ay Madaxweynaha ku qanciyaan socdaalkiisa Kismaayo in uu ku tago diyaarad Milateri oo ay leedahay Kenya, laakiin kuma guuleysan hadafkooda” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online.

Ma cadda in xubnaha ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya ee soo jeedintan sameeyey inay is ogaayeen. Waxaa macquul ah in kenya danteedu tahay in Shariif geyso Kismaayo, si uu uga qeyb-galo caleemo-saarka Axmed Madoobe, halka dowladda Soomaaliya danteedu tahay inay sumcad disho Shariifka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com