Ma waxey ka tahay Farmaajo jaceyl mise reer naceyb?

Warbixin dhowr sanno ka hor lasoo saaray ayaa lagu qiimeeyay noocyada dadka Mareykanka ah ee usoo baxa doorashooyinka. Waxa ugu weyn ee warbixintaas lagu ogaaday waa “Dadka usoo baxa iney u codeeyaan qof ay jecelyihiin, waxaa labo jeer ka badan dadka usoo baxa iney ka codeeyaan qof ay necebyihiin, si aannu u guuleysan. Waa ka shaqo iyo abaabul badanyihiin dadka kale, uma joojiyaan xitaa hadii qofka ay codka siinayaan uusan waxba qaban karin, kaliya waxaa u muuqda in laga adkaado qofka ay necebyihiin.

Si taas la mid ah, Soomaaliya waxaa muuqata in dad badan oo taageersan dowladda madaxweyne Farmaajo iney u taageerayaan naceyb ay reer gaar ah u qabaan. Arrintaan waxaa si fiican loo arkaa marka ay is qabtaan qof reerkaas ah iyo Dowladda Farmaajo madaxda ka yahay. Waxaa tusaale kuugu filan labadii maalmood ee lasoo dhaafay oo si toos qabiil gaar ah loo Aflagaadeynayay, waliba si ka badbadis ah oo naceyb ka muuqdo iyo dhacdooyin kale oo ka horeeyay.

Jaceyl ay Farmaajo u qabaan iyo Dowladnimadda kama ahan oo hadii ay taas ka tahay iyagoo aan reer u gefin, qabiilna abaarin ayey fikirkoodda dhiiban lahaayeen. Kuwaan waa kuwa ugu xoogan ee loo heysto iney Farmaajo taageeraan balse kula jooga naceybka reer hebel. Waxey wax usoo qoraan ama ay fikirkoodda u cabiraan sida in aannu reerkaasi Dowladnimada waxba ku laheyn.

Waa nasiib daro inaad reer Soomaali ka mid ah gaar u nacdid, waxaase kasii xun in qoyskaas aad necebtahay aadan nolashoodda iyo maqaamkoodda waxba ka badali karin. Hadii aad u heysato inuu qoraalkaagu hoos u dhigaayo reerkaas, waxaa tahay bukaan daawo diid ah, oo isu heysta inuu daawadii laqay.

Waxaa qoray Abdullahi Osman Farah

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid