Xukuumada Somaliland oo amaro cusub manta ku soo rogtay shirkadaha shidaalka

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biix ayaa maanta soo saartay amaro cusub oo ka dhana Shirkadaha ka ganacsada Shidaalka.

Somaliland ayaa ku wargalisay ganacsatada shidaalka lasoo dega in aanay keenin wax shidaal ah labo bilood, taasi oo ay ku sheegtay in aan keyd loo haynin shidaalkaasi ay keenayaan gaar ahaan baatroolka.

Xasan Axmed, Mareeyaha keydka shidaalka Berbera ayaa qoraal u qeybiyey shirkadaha shidaalka keena Somaliland, kaasi oo uu ganacsatada ku amrayey in aan wax shidaal ah la keenin, isla markaan aysan la soo dagi karin.

“Mudanayal, waxaanu idinla socodsiinaynaa in baatroolka yaala uu dalka wadi karo muddo dhan laba bilood. Waxa iyana aad ogtihiin inay dawladu keenayso baatrool bisha Oktoobar. Si aanu haddaba u dhicin khasaare shirkadaha kaga yimaada dhammeyjka waxaan idinku wargelinayaa in aanaan meel u ahayn baatrool bishan inta ka hadhay iyo bisha oktoobr gudaheeda midna” ayuu lagu yiri qoraalkaasi oo ka soo baxay wasaarada Batroolka Somaliland.

Waxa sidoo kale lagu yiri warqadaasi qoraalka “Wixii intaas ka dib banaanaada waa laysla socodsiinayaa laakiin fadlan arrintan ha dhayalsanina maadaama ay taay go’aan dawladeed oo aan aad ugu adkaysanayno”.

Xukuumada Somaliland ayaa go’aankan cusub, ku micneysay mid ay ganacsatada uga digayso khasaare ka soo gaara ganacsigooga, hadii ay xukuumadu dib u celiso maraakiibta shidaalka u keena “Maadaama haddaba isbedel ku iman kro dadkii wax soo dejin jiray iyo awoodii kaydka haamah awaxaan idinka digaynaa aydaan gelin khasaare ka yimaada markabka oo la celiyaba”.

Dhinaca kalena, Qaar kamid ah ganacsatada keena shidaalka Somaliland oo warbaahinta la hadlay, ayaa go’aankaasi ku tilmaamay mid ay dowladdu ku soo gogol xaaraneyso shidaalka ay keenayso bilaha soo socda.

“Waxaa dhici karto in Somaliland lasoo degto shidaalka Naaftada, taas oo markii horaba aan qorshaha ugu jirin, waxayna tilaabadaan cadaadis kusii ahaan kartaa ganacsatada Naftada lasoo degta” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada shidaalka keenta Somaliland .

Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyay wadey qorshe ay ku keenayso shidaalka, midkaasi oo walaac badan ku abuurtay ganacsatada keenta shidaalka oo u aragta in xukuumadu tartan kula jirto ganacsigooga.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa