Xog: Sheekh Shariif oo ka hor-tagay qorshe ka dhan ahaa R/W Kheyre kadib codsi uga yimid Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ka dalbaday in uu la shaqeeyo Dowladda uu hogaamiyo isagoo ka dalbaday in hal qodob oo kaliya uu hada ka baajiyo ama ka xaliyo.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Farmaajo uu Sheekh Shariif Sheekh uu ka dalbaday in uu ka baajiyo mooshin xilka looga qaadayo Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo si qarsoodi ah u diyaariyeen Xildhibaano ka badan 110 Xildhibaan oo mucaarad ah.

Farmaajo ayaa Shariif u sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sameyn doonto Isbadalo dhanka Siyaasadda iyo amaanka ah maadaama uu waqti haayo, sidoo kalane ay wajahayso dhibaatooyin dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo dibadda ah, sidaas darteedna uu ka dalbanayo inuu Shariif uu hor istaag ku sameeyo mooshinka Kheyre ka dhanka ah oo ay abaabulayaan Xildhibaano Mucaarad ah.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Madaxweyne Farmaajo u sheegay in uu isku dayi doono baajinta Mooshinkaas inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho, waxaana heer gabo gaba ah maraya kulamadii uu la qaatay Xildhibaanada Mooshinka wada.

Shariif ayaa markaas kadib la kulmay Xildhibaano ka badan 60 Xildhibaan, kuwaas oo hormuud u ah Mooshinka waxaana la sheegayaa in ay isku afgarteen baajinta Mooshinkaasi. Xildhibaanadan ayaa qaarkood ku jira xisbiga Himilo Qaran ee Shariif.

Xildhibaanada uu la kulmay Sheekh Shariif ayaa waxa uu u sheegay in waqtiga oo gaba-gaba ah iyo shaqooyin badan oo yaala in laga baaqsado Mooshinka ay wadaan oo ay xaq u leeyihiin balse aysan sabab u noqon eedeyn uga timaada shacabka Soomaaliyeed hadii ay ridaan Raysal Wasaaraha oo ay horyaalaan shaqooyin badan.

Xildhibanadaan ayaa qaatay Talada Shariifka oo aheyd in Mooshinka laga baajiyo islamarkaana uusan waxba qaban karin Raysal Wasaare kale oo hada la keeno sidaas darteedna Xukuumadda la daayo. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadcliyay Shariif Sheekh Axmed dadaalkii uu sameeyay.

Arintaan ayaa u muuqata in halkaasi uu ku dhamaaday Mooshinkii la damacsanaa in Xilka looga qaado Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, waxayna Dowladda fursad u siin doontaa sii wadashaqada shaqada hortaala.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com