YUUSUF Garaad Cumar: “Shirka Garoowe waxaa u furan hal waddo oo keliya”

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa fariin u diray madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, waxaana uu sheegay in kaliya hal waddo ay u furan tahay dhinacyada ku shiraya magaalada Garowe.

Wuxuu amaan u jeediyay madaxda dowladda Soomaaliya ee ka qeyb galaya shirka ka dhacaya magaalada Garowe.

Hoos ka akhriso qoraalka Yuusuf Garaad Cumar:-

Shirka Garowe hal waddo oo keliya ayaa u furan. Waa in is-mariwaaga siyaasadeed looga gudbo is-afgarad run ah oo waddada u xaara wada shaqeyn Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Dowlad Goboleedyada gudahooda maaddaama iyaga laftoodu ay kala qeybsan yihiin.

Madaxda Federalka waan ku taageerayaa ka qeybgalka shirka Garowe. Waxaan u arkaa dabacsanaan ay ahayd in ay mar hore muujiyaan oo dan u ah isu soo dhowaashaha Madaxda Soomaaliya iyo ku qancid in talada dalka la wada leeyahay.

Aniga oo daba socda Hindise-Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ee ay Golaha Wasiirradu soo jeediyeen anigu ma qabo in doorashada dib loo dhigo. (Eeg qoraalkeyga shalay ee kan ka horreeyay).

Aragtideyda kooban waxay soo jeedineysaa in Doorashadu aanay dib uga dhicin xilligeeda. Haddii la huri waayo in ay dib u dhacdo, waa in la keeno sababo lagu qanci karo.

Marka taa la isla qaato Muddada kororsiimadu waa in aanay ka badan shan bilood oo keliya, oo ay wehliyaan shuruudo lagu xakameynayo awoodda Dowladda sii haynaysa xilka muddadaas kooban.

Bilaha kororsiimada waa in aan Dowladdu magacaabi karin xilalka sarsare ee Siyaasadda, Diblomaasiyadda, Ciidanka iyo kuwa Maamulka. Maaddaama siyaasiyiinta qaarkood ay olole doorasho ka dhigtaan magacaabidda xilalkaas, waa in sida keliya ee xil sare lagu magacaabi karo muddada shanta bilood ahi ay noqotaa in la buuxinayo xil ciidan haddii laga geeriyoodo.

Guul ayaan u rajeynayaa Shirka Garowe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com