Farmaajo oo sidii waayadii hore aan Garoowe looga soo dhoweyn doonin

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ku wajahan magaalada Garowe ee xarunta u ah Maamulka Puntland, halkaasoo uu ka furmayo shirka wadatashiga ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya wafdiga ugu dambeeya ee maanta tagi doona Garowe, kaddib markii ay shalay gaareen Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Maamul goboleedyada Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka socota Garowe, waxaana shalay illaa saaka gaaray magaalada wafdi horu dhac u ah Madaxweynaha oo isugu jira Saraakiil ciidan, howlwadeeno iyo Ilaalo.

Waxaa maalmihii u dambeeyay soo baxayay warar sheegaya in Madaxda dowladda Federaalka ay cadaadis kala kulmayeen Beesha Caalamka, taasoo ah sidii shirka Garowe ay uga qeyb geli lahaayeen.

Wararka ay Caasimadda Online ka heleyso Magaalada Garoowe ayaa sheegayo inaysan jirin soo dhaweyn aad u weyn oo loo sameenayo madaxweynaha, taasoo qeyb ka ah khilaafka taagan.

Madaxweyne Deni ayaa diiday in Farmaajo loo sameeyo soo dhaweyn reer sare oo lamid ah middii loo sameeyey Safaradii uu  ku tagay deegaanada Puntland markii uu Madaxweyne ka ahaa Cabdiweli Gaas.

Todobadii Bishii January sanadkii 2018 ayey aheyd markii Madaxweyne Farmaajo soo dhaweyn aan caadi aheyn loogu sameeyey Deegaanada  Puntland, waxaana xilligaas Sawirada Farmaajo lagu hardhay inta badan Magaalooyinka ugu waaweyn Puntland.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas ayaa xilligaas madaxweyne Farmaajo u diyaariyey shacab badan oo isugu soo baxay jidadka Magaalooyinka waaweyn ee Deeganada Puntland, waxayna shacabkaas jidadka taagnaayeen saacado aad u badan.

Hadda Xaaladdu waa ay ka duwan tahay sidii horey looga bartay Garoowe. Gudaha magaalada kama muuqdaan sawirrada Farmaajo, mana muuqata astaan muujineysa soo dhaweyn la mid ah kuwii uu horaan kala kulmi jiray halkaasi, gaar ahaan shacab lulaya calamo oo taagan waddooyinka.

Sida wararka sheegayaan waxaa Farmaajo kaliya soo dhaweyn doono Ra’isulwasaare Kheyre iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo halkaas ku sugan mana jiri doonto shacab badan oo la isugu keeni doono jidadka.

Shirka Wadatashiga ee ka furmaya Garowe ayaa ku soo aaday, iyadoo uu khilaaf ka dhashay sharcigii doorashooyinka oo ay Khamiistii ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya, waxaana sharcigaas ka hor-yimid saddex maamul goboleed.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com