XOG: Shiinaha oo Somalia ka difaacay UK iyo go’aan xasaasi ah oo maanta laga filayo golaha ammaanka

New York (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa is hor-taagtay qaraar golaha ammaanka uu soo saari lahaa oo ka dhan ah dowladda federaalka Soomaalida, Caasimada Online ayaa ogaatay.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caaismada Onlne u sheegay in golaha ammaanka uu jimcihii yeeshay kulan ay albaabada u xiran yihiin oo looga hadlay tallaabada uu golaha ka qaadi lahaa go’aanka ay Soomaaliya kusoo cayrisay wakiilkii QM ee Soomaaliya, Nicholas Haysom.

Intii uu kulanka socday ayaa UK, oo xubin buuxda ka ah golaha ammaanka, waxa ay soo bandhigtay qaraar qabyo ah oo ay dooneyso inuu golaha qaato, kaasi oo lagu cambaareyn lahaa go’aanka dowladda Soomaaliya.

Qaraarka UK ayaa sidoo kale golaha ammaanka uu si cad ugu sheegi lahaa inuu taageero xooggan u hayo xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM, wuxuuna ka dalban lahaa dowladda Soomaaliy inay si buuxda ula shaqeyso.

Si kastaba, xogta aan helnay ayaa sheegeysa in dowladda Shiinaha, ay ka hor-timid qaraarkaas in la meel-mariyo, islamarkaana codsatay waqti dheeri ah, oo ay uga fakarto go’aanka ay qaadan lahayd.

Golaha ayaa la filayaa in mar kale uu maanta oo sabti ah kulmo, kana fakaro qaraarka Britain. Ma cadda go’aanka maanta Shiinaya ay qaadan doonaan.

Qaraarka UK ayaa yimid markii ay ku guul-darreysatay in safiirkeeda Soomaaliya David Concar uu ka dhaadhiciyo madaxda dowladda Soomaaliya inay ka laabato go’aanka lagu cayriyey Haysom, sida ay Caasimada Online kal hor shaaca ka qaadday. Halkan ka aqri.

Waxaa uu sidoo kale qaraarka daba socday markii xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres uu saddex mar oo uu taleefonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabduallaahi Farmaajo ku guul-darreystay inuu ka dhaadhiciyo inuu maskaxdiisa beddelo.

Guterres ayaa markii ugu dambeysay oo uu Farmaajo la hadlay oo ahayd jimcihii, kuna guul darreystay inuu wax ka beddelo go’aankiisa, wuxuu ku dhaawaaqay inuu ergey cusub usoo magacaabayo Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com