Maxaa xoghayaha QM iyo Farmaajo dhex-maray ka hor go’aankii uu qaatay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ka hor inta uusan ku dhawaaqin inuu ergey cusub usoo magacaabayo Soomaaliya, xoghayaha guud ee QM, António Guterres ayaa wada-hadal la yeeshay madaxda sare ee Soomaaliya, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Sida aan xogta ku helnay, xogahayaha guud ee QM António Guterres, ayaa saddex good soo wacay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo kala hadlay in dib loo soo celiyo Haysom, islamarkaana qaladaadka dowladda ay ka tirsaneyso si kale ama wada-hadal lagu xaliyo oo la saxo.

Si kastaba, codsigaas ayaa la sheegay in Farmaajo uu ku gacan seeray, una caddeeyey Guterres in go’aanka Soomaaliya uu yahay mid aan kasoo noqasho lahayn, oo ku yimid si aan fududeyn oo aad loogu fiirsaday.

Sida aan xogta ku helnay, waxyaabaha dowladda Soomaaliya u sheegtay Guterres ayaa waxaa ka mid ahaa in ay Haysom ku haysato arrimo ka ballaaran warqaddii uu soo saaray ee la xiriirtay dhacdooyinka Baydhabo, balse uu gaystay xadgudubyo ka dhan ah madax banaanida dalka.

“Waxaa jira hadallo gef ah oo uu sheegay iyo warqado dhowr ah oo Haysom uu qoray oo ka dhan ah qarannimada dalka, oo dowladda aad uga careysiiyey, waana la caddeeyey Guterres arrintaas” Waxaa sidaas yiri il-wareed ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha oo la hadlay Caasimada Online.

Qaladaadka uu galay Haysom, ee dowladda Soomaaliya u sheegtay Guterres, ayaa waxaa ka mid ah; xiriiro uu la sameynayey gobollada dalka sida Somaliland, wasiiro ka tirsan dowladda oo uu si aan sharciga waafaqsaneyn uu ula xiriiray, iyo waraaqo Amnesty International uu u diray oo uu dowladda ku eedeeyey xadgudubyo xuquuqda aadanaha ka dhan ah.

Guterres oo markii saddexaad uguna dambeysay Farmaajo taleefon kula hadlay jimcihii, ayaa la sheegay inuu ka quustay inuu beddelo go’aanka Farmaajo, islamarkaana garwaaqsaday in arrinta aysan xal kale lahayn, oo aan ka ahayn in la beddelo Haysom.

Eedymaha loo haysto Haysom, oo aan si faah-faahsan u qornay markii la cayriyey, halkan ka aqriso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com