Xog: Shir lagu kala tagay oo ka dhacay guriga Sheekh Shariif iyo Harti-Abgaal oo dagaal qarka u saaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan habeen hore ka dhacay hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu kala kacay, kadib markii la isku fahmi waayey waxyaabihii looga wada-hadlayey, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in kulankaas uu ku saabsana cabashada ka tagaan kuraasta tirsigoodu yahay HOP141 iyo HOP146, kuwaasi oo doorashadooda ay taallo magaalada Jowhar ee maamulka HirShabelle.

Xiisaddan ayaa salka ku haysa cabasho ay qabaan Beelaha Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone oo ay kuraas kala dhaxeyso beesha Maxamed Caroone, oo laba jufo oo ka tirsan oo kala ah Agoonyar-Gaabane iyo Obakar-Gaabane ay haystaan laba kursi oo xildhibaan. Waxay ku doodayaan inaysan cadaalad aheyn iyo Maxamed Caroone ay qaataan laba kursi, halka labada beel ee kale aanay xitaa helin hal kursi.

Labadaan beel ee Cabdalla iyo Nugaale ayaa wax ku leh kuraasta ay ku fadhiyaan Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Kulankii ka dhacay guriga Shariif ayaa lagu kala kacay kadib markii ay ka biyo diideen qaar kamid ah beelaha cabashada qaba soo jeedin uu sameeyay Sheekh Shariif, taasi oo aheyd in Kursiga HOP146 oo kamid ah beelaha qaba cabashada laga siiyo tiro ergo aan la shaacin, halka beesha cabashada ka qabta HOP141 uu xilal wasiiro ah uga raadin doono maamulka HirShabelle.

Xubno ka qeyb-galay kulankaas ayaa Caasimada Online u sheegay in beelaha qaar ay sheegten in la duudsiiyay xaqoodii Siddeedii sano ee la soo dhaafay, ayna qaadi doonaan tallaabo kasta oo ay ku heli karaan xaqa ka maqan.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda beelaha tabashada qaba ayaa wacad ku maray in kuraastaas aan lagu qaban doonin doorashadooda Jowhar oo uu dagaal ka go’an yahay, haddii uu madaxweyne Guudlaawe wax ka qaban tabashadooda, taasi oo ay ku guul dareysteen inay wax ka qabtaan dadkii ku howlanaa oo ay kamid ahaayeen madaxdii hore ee dalka.

Kulanka ayaa daba socday wada-hadalo soo bilowday bishii July ee sanadkaan, markii ay socdaal ku tageen degmada Cadale madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo weliba wafdi ay hogaaminayeen.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxay arrintaan dhaawac weyn ku tahay sumcadiisa, haddii uu si dhab ah ugu guul-dareysto in uu xaliyo cabashada ay beelahaas ka qabaan labada kursi, maadama ay yihiin xigtadiisa u dhow.

Madaxweynihii hore ee dalka oo lagu tiriyo mid kamid ah shaqsiyaadka ugu rejada wanaagsan doorashada Soomaaliya ayaa maraya imtixaan adag oo ugu imanaya xubno kamid ah dadka uu kasoo jeedo, waxaana dhici karta in uu kaga mashquulo halgankiisa kale ee siyaasadda, sida ay qabaan dadka falan-qeeya arrimaha siyaasada dalka.

Si kastaba, cabashada iyo dooda ka taagan labada kursi ayaa horseedi karta gacan ka hadal ka qarxa maamulka HirShabelle, haddii aan xal deg deg ah laga gaarin doodaas oo mowjado kale oo deganaansho la’aan ah ku furi doonta maamulka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii