Gudiga doorashada gobolada waqooyi oo laba u kala jabay iyo xiisad cusub oo qaraxday

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada SEIT ee Somaliland ayaa markale laba u kala qeyb-samay, kadib markii khilaaf horleh ka dhashay habka loo marayo maareynta doorashada kuraasta harsan xubnaha Golaha Shacabka ee gobollada waqooyi.

Xiisadda ayaa soo shaac baxday, kadib markii uu guddoomiyaha Aqalka Sare uu soo saaray qoraal xasaasi ah oo uu ku dalbanayo in la hakiyo doorashada kuraasta 16-ka ah ee uu horay u shaaciyey guddiga maamulaya doorashada gobollada waqooyi (Somalililand).

Sidoo kale xubnaha qaar ee guddiga, gaar ahaan garabka gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa soo dhoweeyey go’aankan, halka xubnaha garabka Mahdi Guuleed aydiideen arrintaas, waxayna dhalisay in markale guddigu u kala qeybsamo laba dhinac oo iska soo horjeeda.

Dhinaca kale guddoomiyahaa Golaha Aqalka Sare ayaa waxaa garabkiisa ka baxay guddoomiye ku xigeenka guddiga SEIT ee Somaliland, kaas oo markii hore guddiga kasoo galay dhanka Cabdi Xaashi, kadibna heshiis la gaaray ku helay ku xigeenka guddiga.

Cabdishakuur Abiib Hayir oo soo saaray qoraal u gooni ah ayaa marka hore tilmaamay in uusan aheyn guddoomiye ku xigeen koox gaar ah, wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in laga been abuurtay qoraalka xubno ka tirsan Guddiga SEIT ee gobollada waqooyi.

“Inaan shaqsiyan ah guddoomiye ku xigeenka guddiga ee aan aheyn guddoomiye koox gaar ah, guddiguna uu ka kooban yahay 11 xubnood oo u shaqeeya danaha iyo hannaanka hufan ee danaha doorashada kuraasta gobollada waqooyi,” ayuu yiri Cabdishakuur.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in guddiga laga daayo jahwareerka siyaasadeed, isla-markaana loo madax banneeyo waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Ugu dambeyn wuxuu caddeeyey in ka guddi ahaan ay ka go’an tahay in howsha loo igmaday ay u qabtaan si waafaqsan heshiisyadii horay looga gaaray doorashooyinka.

 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii