XOG: Shir xasaasi ah oo ka socdo xafiiska CCC

Muqdisho (Caasimada Online) –  Warar aan goor dhaw ka helnay xafiiska RW Cumar ayaa noo xaqiijiyay in uu halkaas ka socdo shir aay isku hor fadhiyaan RW Cumar, Gen, Gabre iyo Xil. Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Ujeedka shirka ayaa lagu falanqeynayaa qaabkii loo keeni lahaa Axmed Madoobe magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo shirka madasha wadatashiga ee lagu wado in uu ka dhaco magaalada Muqdisho maalinta Isniinta oo aay taariikhdu tahay October 19, 2015.

Waxaa la isku raacay in la tixgeliyo waxyaabihii uu codsaday Axmed Madoobe oo dhan oo aay ka mid tahay

  1. 1. Inuu yahay maamul buuxa
  2. 2. In loogu daro shaqsiyaadka maamulka Jubbaland guddiga farsamada ee Madasha
  3. 3. In Kismaayo lagu qabto shirka kan xiga ee madasha wadatashiga bartamaha bisha November

RW Cumar ayaa gebi ahaanba lagala wareegay hannaanka iyo maamuuska madasha wadatashiga la rabo in laga soo saaro qaabka doorasho ee sanadka danbe 2016.

Madaxweynah Xasan Sheekh ayaa gebi ahaanba diiday guddigii uu dhawaan soo magacaabay RW Cumar, waxaa hadda wixii ka danbeeyana la wareegay hab maamuusa madasha Wasiir Odawaa oo si toos ah uga amar qaadan doona xafiiska Madaxweynaha

Wixii ku soo kordha dib ayaan idinkala soo socodsiin doonaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com