Xog: QM oo soo saartay warbixin ay ku QAL-QAL galineyso ammaanka MUQDISHO + Ujeeddada.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda QM ayaa walaac gaar ah ka muujisay xaalada amni ee xiligaani ku heysata gudaha Somalia, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Atul Khare oo ah Madaxa Taageeradda ee QM oo ka qeybgalaayay shir ka dhacay magaalladda New york ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in walaac uu kasoo food-saaray amaanka ay QM ku heysato Somalia.

Atul Khare ayaa shir ay Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ku yeesheen Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York ka cadeeyay in cabsi dhinaca Ammaanka iyo Maalgelinta oo yaraatay dhabarjab ku noqotay Hawlaha ay QM ka wadaan gudaha dalka Somalia.

Mr Atul Khare ayaa ka shanqariyey in shaqaalaha ka hawlgala Xafiiska Taageeradda QM ee Somalia The UN support Office in Somalia ay ku shaqeeyaan xaallad adag, waxa uuna tilmaamay in cabsida noocaasi ah QM ay u abuuri karto in marka danbe ay kasoo guurto Somalia.

Waxa uu sheegay in toddobaadkiiba celcelis ahaan hal mar la kulmaan weeraro lala soo beegsado, waa sida uu hadalka u dhigay Madaxa Taageeradda Goobta ee QM, Atul Khare.

Sidoo kale, Atul Khare waxa uu sheegay in Xafiiskaasi ay la soo gudboonaatay Hoos u dhaca Kaalmadda lagu socodsiiyo Hawlaha loo xil-saaray, isla markaana aysan fiicnayn Tayadda Adeegyadda Badbaadada. Qalabka Difaaca Goobta iyo Barnaamijka Dhismaha.

Dhanka kale, Xafiiska Taageeradda QM ee Somalia oo la aasaasay sannadkii 2009-ka, waxa uu u xil saaran yahay Taageero-siinta Hawlgalka Ciiddanka Afrikaanka ee Nabad ilaalinta u jooga Somalia ee AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com