XOG: Wasiiro CCC ku dacweeyey Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay Wasiiro ku-xigeeno ka tirsan Xukuumada Somalia ayaa sheegaya in Xafiiska Madaxweyne Xassan loo gudbiyay dacwado ka dhan ah Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid.

Mid kamid ah Wasiiro ku-xigeenada oo sababo jira awgood uga gaabsaday magaciisa ayaa sheegay in dacwada ay gudbiyeen ay la xiriirto tixgalin la’aan ka heysata dhanka Cumar C/rashiid.

Waxa uu sheegay in Cumar C/rashiid uusan ogoleyn inuu la shaqeeyo wasiiro xigeenada islamarkaana uusan ka jawaabin warqadaha ay u gudbiyaan Xafiiskiisa ama uu ka caga jiido inuu arrimaha dalka kala hadlo.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in xiliyada ay safarada u baxaan wasiirada, islamarkaana ay shaqada sii wadaan ku-xigeenada uusan warqadaha ka qaban, isaga oo xujo uga dhiga inay sugaan wasiirada xil ahaan iyaga ka sareeya, sidaa darteedna ay xafiiska Madaxweyne Xassan ugu gudbiyeen dacwado la doonaayo in wax looga qabto Siyaasad xumida uu dheelaayo Cumar C/rashiid.

Arrintaani ayaa imaaneysa xili mudooyinkaani danbe ay Mas’uuliyiinta Dowlada dhaliilsanaayen Siyaasada qunyar socodka ah ee uu la heehaabayo Cumar C/rashiid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com