W/Amniga DF oo sharuudo cusub soo saartay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada amniga xukuumada Soomaaliya ayaa waddo qorshe cusub oo lagu adkeynayo amaanka magaalada Muqdisho, kadib amar kasoo baxay wasaarada oo uu saxaafada u aqriyay afhayeenka wasaarada.

Maxamed Yuusuf Cismaan, afhayeenka wasaarada amniga xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in wasaarada soo rogtay qorshe ah in la diiwaan geliyo dhamaan dadka soo galayo magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in diinwaan gelinta la dhigayo labada bar Koontarool ee laga soo galo magaalada Muqdisho, si loo ogaado dadka soo galayo magaalada Muqdisho waxay yihiin.

Sidoo kale wuxuu sheegay in wasaarada ay diyaarisay qorshe cusub oo lagu adkeynayo amaanka magaalada Muqdisho, kadib markii maanta howlgalo laga sameeyay qeybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Dhanka kale dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in dad loosoo qabqabtay dilkii maanta degmada Wadajir loogu geystay Ciise Beyle, oo kamid ahaa shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Dadka loo qabtay dilkaasi ayaa lagu sheegay iney gaarayaan ku dhawaad12 ruux kuwaasi oo baaritaano lagu sameyn doono si loo ogaado cidda rasmiga ee dilak fulisay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com