XOG: Shirka Cadaado oo jahwareer cusub galay

Cadaado (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in waxgaradka ku shirsan magaalada Cadaado ay isku fahmi la’yihiin qeybsiga ergooyinka soo dhisaya maamulka gobolada dhexe ee dalka.

Wararka ayaa sheegaya in Beelaha SADE ay doonayaan iney helaan in la eg ergada la siiyo dhamaan beelaha Habar-gedir taasi oo keentay in khilaaf uu ka yimaado la iskuna fahmi waayo.

Waxaa magaalada ka dhacayo shirar kala duwan oo la doonayo in lagu dhameeyo khilaafka ku aadan isku fahmid la’aanta ergooyinka gobolada dhexe.

Suldaan Cabdi Casiis Daadbeyle, oo kamid ah salaadiinta gobolada dhexe ayaa si dahsoon u sheegay in isfaham daradaasi jirto, laakiin beel walbaa ay qaadaneyso saamigeeda.

Rajo ayuu ka muujiyay in is fahamdaradaasi soo idlaato maadaama gudiga farsamada ay wadaan dhankooda dadaal ku aadan sidii arimahaasi loo idley lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com