Daawo: “Jawaari isaga ayaaba gobolladiisa laga qaatay, muxuu nooga hanjabayaa” Waxaa yiri…

Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha xisbiga UCID ee deegaanada maamulka Somaliland ayaa ka jawaabay hadalkii dhawaan kasoo baxay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan, ayaa dhawaan sheegay in baarlamaanka Soomaaliya marka ay kusoo laabtaan kulamadooda iney ka hadli doonaan kala qeybsanaanta Soomaaliya.

Maxamed Jawaari, ayaa si cad u sheegay ineysan aqbali karin in deegaano Soomaaliya ka tirsan loo qaato marka la galayo Passport, sida uu sheegayna baarlamaanka ay arimahaasi ka shaqeyn doonaan.

Faysal Cali Waraabe, oo arintaasi ka jawaabay ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay cadow badan ayna iska celin doonaan dadka doonaya iney burburiyaan sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in Jawaari isaga naftiisa laga qaatay goboladiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
Caasimada@live.com