24.4 C
Mogadishu
Saturday, July 12, 2025

Mas’uul ka tirsanaa Gobolka Banaadir oo la dilay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa waxa ay Habeenimadii xakay toogasho ku dileen Gudoomiye waaxeed ka tirsan Degmada Xamar jajab ee Gobolka Banaadir.

Dilka Mas’uulkaani oo lagu magacaabo Xuseen Cabdi, ayaa waxaa fuliyay Saddex Dhalinyaro ah oo dilka kadib halkaasi ka baxsaday.

Dilka waxaa uu ka dhacay meel u dhaw guriga Marxuumka, iyadoo ay markii dambe goobta gaaren Ciidanka DF oo sida caadada ah Howlgalo halkaasi ka sameeyay.

Dhanka kale, Maamulka Gobolka Banaadir ayaana weli ka hadal, waxa uuna dilku noqonayaa kii 2-aad oo mudo 24 Saacadood muqdisho loogu geesto Mas’uul kamid ah Dowladda Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News