Xog: Shirka DF iyo maamul goboleedyada oo muddo kororsi lagu go’aaminayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee maanta ka furmay xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga soo warinaya in lagu go’aamin doono muddo kororsi dadban oo loo sameeyo madaxda dowlad-goboleedyada.

Ilo wareedyo ka ag dhow shirkaan ayaa Caasimada Online u sheegay in Golaha uu isla meel dhigay in dhamaan dowlad-goboleedyada isku waqti uu ka dhamaado xilka, si aan howlo doorasho aan looga mashquulin dagaalka adag ee lagula jiro argagixisada Al-Shabaab.

Qoddobkaan ayaa kamid noqon doona war-murtiyeedka la filayo in uu kasoo baxo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada.

Arrintaan ayaa ka dhigan in dhamaan madaxda dowlad-goboleedyada uu xilka isku mar ka wada dhamaan doonaan 2025-ka, xiligaasi oo ah waqtiga uu muddo xileedkiisa ku egyahay madaxweyne Cali Guudlaawe, maadama uu hore muddo sanad ah ugu daray baarlamaanka maamulkaasi.

Sidoo kale, Axmed Madoobe, Cabdicasiis Laftagareen iyo Qoor Qoor ayaa iyaguna baarlamaanadooda horey ay ugu ansixiyeen muddo kororsi hal sano ah.

Si kastaba, waxaan caddeyn sida arrintan loo marsiin doono Reer Puntland, maadaama maamulkooda uu kaga duwan yahay maamul goboleedyada kale in awoodda aanay gacanta ugu jirin hal shaqsi.

Si rasmi ah looma oga in markii hore qoddobkaan uu qeyb ka ahaa ajendaha shirka iyo in uu gadaal kaga soo biiray, maadama qoddobka ugu weyn ee xiligaan horyaallay uu ahaa iskaashiga dhinacyada ee dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab iyo xoojinta howl-galada socda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddo ku dhalleeceyn jiray madaxweyne Farmaajo inuu ku tuntay dastuurka oo uu sameystay muddo kororsi, waxayna noqon doontaa kala wareeg siyaasadeed iyo mid mabda’ oo deg deg ah in shan bilood kadib bixitaanka Farmaajo uu muddo kororsi aqbalo.