Maxay yihiin ciidamada cusub ee la geynayo degaanadii laga saaray Al-Shabaab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta tababar loo soo xiray ciidamo Boolis ah oo muddo saddex bilood lagu tababarayay duleedka degmada Cadaado, kuwaasi oo qorshuhu yahay in la geeyo deegaanadii laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Munaasibada tababarka loogu soo xirayay ciidamadaan ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirka amniga Galmudug, saraakiisha Booliska Galmudug, maamulka degmada Cadaado iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug.

Gaashaanle dhexe Maxamuud Cilmi Gulaafe, madaxa tababarada iyo qorshaynta Booliska Galmudug oo ugu horeyntii ka warbixiyay tababarka ciidamada ayaa xusay in ciidaankan oo 200 oo askari ka kooban ay qaateen koorsooyinka jireed ee ciidanka iyo sharciyada uu ku shaqeeyo Booliska.

“Ciidamadaan waxay qaateen oo ka dhisan yihiin sharciyada Booliska, sida dambi baarista, la dhaqanka shacabka, xuquuqul insaanka iyo xeerarka madaniga ah ee dalka.”

Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa sheegay in ka degmo ahaan ay ku faraxsanyihiin ciidankan tababarka dhameystay, kuwaasi oo ka qayb qaadan doona xoojinta amaanka deegaanka iyo ilaalinta sharciga.

Sidoo kale Taliyaha Booliska Galmudug gaashaanle sare Khaliif Cabdulle ayaa u mahad-celiyey saraakiisha dugsiga tababarka, wuxuuna faray askarta tababarka dhamaysatay inay si ficil ah uga muuqato cilmigii la baray mudadii sadexda bilood ahayd ee ay tababarka ku jireen.

Wasiirka amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aaden Gaboobe oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu dambeyntiina sheegay in ciidankan tababarka dhamaystay ay ku soo aadeen waqti xasaasi ah oo loo baahna, islamarkaana ay Galmudug ku jirto dagaal ka dhan ah argagixisada.

Ciidamada maanta loo soo xiray tababarka ayaa noqonaya dufcadii 1-aad ee ka soo baxda dugsiga tababarka Booliska Galmudug ee degmada Cadaado, waxayna ka qeyb qaadan doonaan sugida amniga deegaanadii laga saaray Al-Shabaab.