DF iyo maamul goboleedyada oo ka shiray kacdoonka ka dhanka Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ayaa kulanka muhiim ah ka yeeshay kacdoonka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka bilowday qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha dowladda Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali ayaa kulan la qaatay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Muqtaar Rooboow Cali iyo wasiirada awqaafta iyo arrimaha Diinta Dowlad Goboleedyada.

Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay sidii ay wasaaradaha isaga kaashan lahaayeen kacdoonka iyo dagaalka looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab, sidoo kalana waxay isku raaceen in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeyo dhinacyada.

Wasiir Maxamed Axmed Sheekh Cali ayaa wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta uga mahadceliyey waqtiga iyo juhdiga ay gelineyso jiheynta kacdoonka dalka looga saarayo kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka awqaafta iyo arrimaha Diinta xukuumadda Soomaaliya Muqtaar Rooboow Cali ayaa dhankiisa sheegay in ay muhiim tahay in la iska kaashado sidii dagaal adag loola geli lahaa Al-Shabaab oo uu sheegay inay dhibaato ku yihiin dalka & dadka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wada dadaalo ku aadan sidii looga qeyb qaadan lahaa howlgallada ka socda dalka, iyada oo amarro ka dhan ah Al-Shabaab dhowr jeer soo saartay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa wajaheyso kacdoonkii ugu weynaa ee soo wajaho tan iyo markii kooxdaan la sameeeyey, waxayna dowladda Soomaaliya ballan qaaday in laba sano gudahood dalka looga saari doono.