Ciidamo ka tirsan ATMIS oo dalka ka baxay + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dhoofay ciidamo ka tirsan howlgalma midowga Africa ee Soomaaliya ee ATMIS.

Ciidamadaan oo kasoo jeeday Uganda ayaa la sheegay inuu dhammaaday waqtigooda shaqada, waxaana loo sameeyey maamuus kadib markii la sheegay inay ka qeyb qaateen dadaalada nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

Keith Katungi oo ah taliyaha ciidamada Uganda ee ATMIS ayaa aad ugu mahadceliyey ciidamadaan, wuxuuna ku ammaanay ina yka qeyb qaateen dagaalo badan oo lala galay kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale taliyaha ayaa ciidamadaan ku ammaany inay qeyb weyn ka qaateen qabashada doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha ee dhawaan ka dhacday Soomaaliya.

“Waxa ay ahayd muhiim in aan joogno gudaha Soomaaliya oo aan hubinno in kala-guurka siyaasadeed iyo xilliga doorashada uu yahay mid hagaagsan,” ayuu yiri Katungi.

Ciidamadaan ka dhoofay Muqdisho oo ka tirsanaa kooxda 33-aad ee Uganda ayaa waxaa la guddoon siiyey shahaadooyin iyo bilado ay ku muteysteen sida ay u guteen shaqada.

Taliye ku xigeenka ciidamada ATMIS ee dhanka howlgallada iyo qorshayaasha William Kitsao Shume ayaa ku bogaadiyay ciidamada waqtigooda dhamaaday sida ay u xaqiijiyeen Soomaaliya oo nabad ah oo xasiloon.

Ciidamadaan inta ay Soomaaliya joogeen waxay ku sugnaayeen saldhigyo ciidan oo ku yaala Carbiska, Arbacow, Lafoole iyo Laantabuur, oo katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka midowga Africa oo wax ka badan 15 ka socdo Soomaaliya ayaa weli ku guuleysan la’ soo afjaridda kooxda Al-Shabaab.