Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee Xarunta maamulka Sh/Dhexe, ayaa sheegaya in DFS ay qarka u saaran tahay inay ku fashilanto shirka ka socda magaaladaasi.
Nabadoon Xasan Qaasim Qeyliye oo ka mid ah waxgaradka Gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa sheegay in xiligaani aysan u muuqan guul laga gaaray shirka waxa uuna ka shanqariyay in madasha ay isugu soo biya shubatay shaah cabow iyo wada sheekeysi.
Nabadoonka waxa uu tilmaamay in wax dhaq dhaqaaq ah ee ku aadan in maamul loogu sameeyo Jowhar aysan xilligaan ka socon magaalada Jowhar.
Nabadoonka waxa uu fashilkaani dusha ka saaray Dowlada Somalia, gaar ahaan Wasaarada arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay in waxa Jowhar ka socda uu yahay mid mada daal iyo wakhti lumis ah.
Nabadoonka waxa uu intaa ku daray in marka laga soo tago Ergooyinka Shabeelaha Dhexe kuwa reer Hiiraan ay billaabeen in ay isaga kala dareeraan Shirkaasi ayna dib ugu laabtaan deegaanadooda.
Haddalka Nabadoonka ayaa imaanaya iyadoo dhowr Jeer uu Wasiirka arrimaha Gudaha ku fashilmay xal u heliga shirka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]