Muqdisho (Caasimada online) Shirka Muqdisho maalintii afaraad ka socda laguna waday in shalay lasoo gabagabeeyo hayeeshee dib u dhac uu ku yimid ayaa maanta waxaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xaflada xiritaanka shirkaasi in laga badalay hotel-ka jazeera ee Muqdisho halkaas oo seddexdii maalin ee ugu dambeysay uu shirkaasi ka soconayay , waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in loo wareejiyay shirka xarunta nabad sugida ee Habar Qadiijo.
Ilaa iminka si rasmi ah looma oga waxa keenay is badalkan hayeeshee Wariyaha caasimada online ee shirkaas qeybta ka ahaa ayaa sheegaya in wali ay ku sugan yihiin Hotel Jazeera , hayeeshee lagu soo war galiyay in shirka halkaasi laga badalay .
Wuxuu sheegay in qeybta Warfaafinta Madaxtooyada Somalia inay ksuoo war gelisay in shirka loo badalay xarunta hey’ada nabad sugida Somalia ee habar Qadiijo halkaas oo xaflada gaba-gabeynta shirka lagu qabanayo.
Sida qorshuhu uu yahay waxa la filayaa in xaflada xiritaanka shirka inay kasoo qeyb galaan Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha, Wasiirka arimaha dibada Ethiopia, wasiiro ka tirsan xukuumada Somalia, madax ka socota QM iyo xubno kale oo heer caalami ah .
Dhinacyada kasoo jeeda Jubbooyinka ayaa shalay ku heshiin waayay shirka arimaha Jubbooyinka ee Muqdisho , taas oo keentay in waqtigii xiritaanka shirkaas inuu dib u dhac ku yimaado .
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho

