Xog: Shirkad weyn oo Muqdisho ku taal oo lacagteeda doorasho lagu galay halis ugu jirta

Jowhar (Caasimada Online) – Shirkadda cabitaanada kala duwan soo saarta ee Soda King ayaa mudooyinkaan hoos u dhac ballaaran laga dareemayay wax soo saarkeeda, waana shirkadda kaliya ee cabitaanada ugu badan ee dalka laga isticmaalo soo saarta.

Soda King oo ah shirkad laga leeyahay dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa Soomaaliya wakiil ugu ah Axmed-nuur Sheekh Yuusuf Guuleed oo guuldaro xooggan ay kasoo gaartay tartankii doorashada kursiga aqalka hoose ee beesha Marooyin/ Waceysle, kursigaasi oo uu ku guuleystay ganacsadaha kale ee Caddow Cali Gees.

axmednuur-sodaWax soo saarka cabitaanada ee Soda King ayaa loo aaneynayaa ololihii ballaarnaa ee uu galay Axmed Nuur isla markaana u adeegsaday dhaqaalihii shirkadda ololaha kursiga beesha Waceysle.

Waxaa warshadda ka dhamaaday budadii lagu qasayay cabitaanada aashidada leh, taasoo keentay in ay yaraadaan cabitaanada qaarkood.

Warshada Soda King waxay ku taalaa agagaarka Beexaani, waxayna ganacsigeeda gaarsiisaa guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya.

axmed-nuur-soda-2

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com