Xog: Shirkii Kismaayo oo loo baajiyay Diini dartii

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhac uu ku yimid shir la filayay inuu ka furmo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo ahaa mid dib u hishiisiin ah.

Shirka oo lagu hishiisiinayo beelaha wada daga gobolada Jubbooyinka iyo Gedo iyo siyaasiyiinta ayaa waxaa la filayay inuu ka furmo maalintii shalay magaalada Kismaayo, laakiin ama aysan dhicin.

Sababaha shirkaasi uu u baaqday ayaa lagu sheegay iney tahay wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/qaadir Sheikh Cali Diini, sida uu sheegay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Jubbaland.

Xildhibaan Cabdi Yarow Xuseen oo ka mid ah xildhibaanada maamulka Jubbaland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegayin shirkaasi uu dib u dhacay lana qaban doono bartamaha bishaan.

“Shirkaas waxaa la doonayay inuu Kismaayo ka dhaco balse wuux baaqday sababtoo ah waxaa Nairobi aaday Wasiirka Gaashaandhiga ninka la yiraahdo C.qaadir Diini”ayuu yiri xildhibaanka.

Sida wararka aanku heleyno C/qaadir  Sheikh Cali  Diini ayaa kaalin ka qaatay qaban qaabada kulankaasi oo la filayo 15 bishan inuu ka dhaco magaalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com