Xog: Guddigii farsamada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo la laalay iyo laba beel oo heshiis qarsoodi ah galay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddigii Farsamada maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ee ay dhowaan magacawday Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka dowladda Federaalka ayaa la sheegay in gebi ahaan la laalayo, kadib muran iyo is mari waa’ ka dhashay guddigaasi.

Wadahadallo muddo ka socday Muqdisho oo ay hogaaminayeen xildhibaanada kasoo jeeda beelaha labada Gobol ayaa sheegaya in xildhibaanada qaarkood ay soo jeediyeen in 31 xubnood laga dhigo guddiga farsamada taasoo qeybinteeda ay ka diideen beelaha yaryar ee gobolka, waxaana markii ugu danbeysay ay noqotay in meesha laga saaro guddiga farsamada oo la waayay qaab ay beelaha labada gobol ugu heshiin karaan.

Wararkii ugu danbeyay ee aanu helno ayaa sheegaya in Guddigii Farsamada ee dhowaan ay magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka koobnaa 14 xubnood meesha laga saaray iyadoo lagu bedelayo in arrinta farsamada ay la wareegto wasaaradda oo maamuli doonta shirka oo sidoo kale la isla gartay qeyb ahaan inuu ka dhaco magaalada Jowhar, iyadoo caasimada maamulka cusub ay noqoneyso magaalada Beledweyne.

Waxaa weli soo baxaya beelo iyo dhinacyo diidan heshiis qarsoodi ah oo beelaha ugu tunka weyn labada gobol ee Xawaadle iyo Abgaal xildhibaanadooda ku dhex maray Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com