Ethiopian la wareegay xarumahii DF ee gobolka..

Garbahaareey (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in  ciidamada dowlada Ethiopia ay la wareegeen dhamaan xarumihii dowlada ee degmada Garbahaareey, taasi oo abuurtay walaac horleh oo soo wajaha dadka deegaanka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Gedo.

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo ku sugnaa degmada Garbahaareey ayaa sheegay in ciidamo daacad u ah dowlada Ethiopia la wareegeen xarumaha dowlada ee degmada Garbahaareey.

Xildhibaanka ayaa xusay in la wareegitaanka xarumaha dowlada ee ciidamada Ethiopia ay walaac xoogan ku abuurtay dadka shacabka ah oo kasoo horjeedo qorshaha dowlada Ethiopia ee ah in degmada uu maamulo ruux laga kor geeyay shacabka degmada.

Maxamuud Cali Magan, ayaa sidoo kale sheegay in degmada ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ay xalin karaan dadka deegaanka balse aysan faragelin Karin ciidamada dowlada Ethiopia ee kusugan degmada Garbahaareey.

“Garbahaareey waxa ka taagan waa arin ay xalin karaan dadka shacabka ah ee ma ahan in Ethiopia ay ka talaabto howsha ay Soomaaliya u joogto ee nabad ilaalinta ah, hadda waxay la wareegeen dhamaan xarumihii dowlada ciidamo daacad u ah Ethiopia”ayuu yiri xildhibaan Magan.

Dadka deegaanka ayaa diidan in degmada uu maamulo ruux aysan raali ka aheyn, balse maamulka Axmed Madoobe ayaa doonaya in degmada la geeyo ruux si weyn ula shaqeyn kara.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com