Xog: Sidee Ahlu-Sunna uga cayaar siyaasad badisay R/W Kheyre iyo DF Somalia

Dhuuso-mareeb (Caasimada Online) – Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa heshiiska ay gaareen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo kooxda Ahlu-Sunna ee lagu qarameenayo ciidamada kooxdaas.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in heshiiskan uu yahay mid Ahlu-Sunna kaga siyaasad badisay dowladda dhexe, islamarkaana marka la eego habka loo dhigay uu yahay mid wax walba sidooda ahaan doonaan, balse ay Ahlu-Sunna ku heli doonto lacag.

Hehsiiska ayaa la sheegay inuu yahay in Ahlu-Sunna ay ciidamadeeda iyo hubkeedaba haysan doonto balse magac ahaan la hoos gayn doono dowladda, si ay mushahar ugu hesho.

Waxaa sidoo kale la isla gartay in taliyayaasha hadda maamula ciidanka Ahlu-Sunna ay sidooda u joogi doonaan laakiin taliyaha guud laga soo magacaabi doono Muqadisho.

Taliyaha imaan doona ayaa lagu sheegay in uu noqdo shaqsi “caqiidadiisa wanaagsan tahay”, taas oo macnaheedu yahay in uu noqdaa taliye aaminsan caqiidada kooxda Ahlu-Sunna, xulashadiisana ay qayb ku leedahay.

Sida ana xogta ku helnay Ahlu-Sunna ayaa heshiiskan gashay ayada oo qorshaheedu yahay in ciidankeeda ku joogo magaca dowlada fedraalka, ay si dowlada dhexe ay u bixiso mushaarka ciidamada.

Ahlu-Sunna ayaa sidoo kale diiday in ciidamada kale ee dowladda ee guutada 21-aad lagu soo diro ciidamadeeda.

Isku soo duuboo, waxay u muuqataa in Ahlu-Sunna ka cayaar siyaasad badisay Kheyre, oo arrimo badan oo dowladda aan dan u ahayn ogolaaday, si uu u xaqiijiyo in safarkiisa gobollada dhexe aan loogu qeexin mid fashil kusoo dhammaaday.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com