Xog: Sidee ayey Al-Shabaab u qorsheeyeen weerarkii ay ku qaadeen Villa Rays?

Muqdisho (Caasimada Online) – Korneel Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsan Saraakiishii hore ee NISA ayaa bixiyey xog ku aadan weerarkii saacadaha badan qaatay ee Habeen hore Al-Shabaab ay ku qaadeen hoteelka Villa Rays oo ku dhow madaxtooyada.

Korneel Macow oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Al-Shabaab ay muddo abaabuleysay weerarkan oo lagu beegsaday meel amnigeeda si weyn loo ilaaliyo oo ku taal agagaarka xarunta Villa Soomaaliya ee dalka looga arrimiyo.

“Shaxda waxa ay ka bilaabeen kow waxa ay sahmiyeen meesha ay weerarayaan, waxa ay ogaadeen waqtiga ugu haboon oo la weerari karo, waxa ay diyaariyeen gaadiidkii iyo ciidankii iyo sidoo kaleqaraxyada iyo hubka ay saacadaha ku dagaalameen,” ayuu yir.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Al-Shabaab ay adeegsatay xeelad aad u sarreysa, islamarkaana ay degtay shax cajiib ah, si ay u fuliso howlgalkan oo saacado badan qaatay.

“Waxyaabaha yaabka leh waxaa kamid ah xeyndaabka madaxtooyada qaranka Soomaaliyeed oo meel walba ka xiran in weerar noocaas oo kale ah uu ka dhaco, laakiin waxyaabaha mucjisada waxaa waayey qaabka ay howlgalka u sameeyeen Al-Shabaab iyo shaxda ay soo dageen,” ayuu yiri Korneel Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsanaa NISA

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey in arrintan ay jab ku tahay dowladda federaalka, maadaama uu weerarka ka dhacay agagaarka gurigii uu daganaa madaxweynaha.

“In meeshaas la yimaado ayaaba ma aragtay jab ku ah dowladda,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey.

Dhinaca kale wuxuu shaaca ka qaaday in sababta dheereysay howlgalka ay ugu wacan tahay wada shaqeyn la’aanta hay’adaha amniga,  gaar ahaan ciidamada dowladda.

“Dagaalka waxa dheereeyey waxaa waayey ciidamada oo wada shaqeyn aysan ka dhaxeynin” ayuu  ku daray Korneel Macow.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda sare ee dalka inay qaadaan tallaabo deg-deg ah oo looga hortegayo kororka weerarada Al-Shabaab ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.

“Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waa in ay qaadaan talaabo deg-deg ah oo ku aadan weerarkii Villa Rays” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey.