Saddex su’aal oo ka dhashay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen hotel Villa Rays

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa Axaddii weerar ku qaaday Hotel Villa Rays oo dhowr boqol oo meter un u jira madaxtooyada Soomaaliya, halkaasi oo ay haysteen ku dhowaad 24 saac kahor inta aan lasoo afjarin.

Afhayeenka booliska Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in kooxda soo weerartay hotelka ay ahaayeen lix maleeshiyo, kuwaasi oo dhammaantood dhintay. Waxa uu intaas ku daray in ciidamada amniga ay dileen shan maleeshiyo, halka mid kalena uu is-qarxiyey.

Afhayeenka ayaa sheegay in khasaaraha weerarka uu yahay dhimashada sideed qof oo shacab ah iyo hal askari. Sadiiq Doodishe wuxuu sidoo kale sheegay in lasoo badbaadiyey 60 qof oo shacab ah oo ku sugnaa hoteelka.

Haddaba weerarkan ayaa dhaliyey su’aalo u baahan in dowladda ay ka jawaabto.

Yaa fududeeyey weerarka?

Hotel Villa Rays wuxuu ku yaallaa meel aad ugu dhow Villa Somalia, oo amnigeeda aad loo sugo. Wadda walba wxaaa yaalla bar kontorool oo amniga la sugo, wayna adag tahay xitaa inay galaan dadka shacabka ah. 

Haddaba sidee ayey ku dhacday in Al-Shabaab hubeysan ay dhib la’aan ku gudbaan goobahaas amni, welib ayaga oo hubeysan? Jawaabta kaliya ee su’aashan ay leedahay wa in dad dowladda ku jira ama hay’adaha amniga ay fududeeyeen, waana arrin u baahan in dowladda ay baaritaan ku sameyso, jawaabna ka bixiso.

Haddii aanay sidaas dhicin, ha la yaabin in weerarka kan xiga uu noqdo mid madaxtooyada lagu qaado.

NISA xagee jirtaa?

Weerarada noocan ah Al-Shabaab waxay qorsheeyaan bilo ama toddobaadyo. Haddaba side ku dhacday in hay’adda sirdoonka ee NISA ay ka warheli weyso kana hortagi weyso? Su’aashan ma imaaddeyn haddii aanay NISA toddobaadyadii tegay oo idil noo sheegi lahayn in xogo ay ka dhexheshay Al-Shabaab “ay fududeeyeen weeraro laga fuliyey baadiyaha gobollada dalka qaarkood oo lagu dilay boqolaal Al-Shabaab ah.”

Qoraalladii NISA waxay muujiyeen in hay’adda sirdoon ku dhex leedahay kooxda. Maxay yihiin sirdoonka soo sheegaya halka ay joogaan boqolaal Al-Shabaab ah, balse aan soo sheegi karin hoteellada Muqdisho ee weerarada loo qrosheeyo? Kusii darso, hotelkan Villa Rays xitaa kama foga xarunta hay’adda NISA. 

Maxaa dheereeye howlgallada? 

Ciidamada ammaanka Soomaaliya waxay howlgallo ka fulinayeen hoteello ay qabsadaan Al-Shabaab muddo dhowr iyo toban sano ah, hase yeeshee waqtiga howlgallada lagu soo afjaro ayaad mooddaa inuu sii dheeraanayo.

Howlgalka Villa Rays wuxuu qaatay ku dhowaad 22 saac, halka howlgalkii kan ka horreeyey ee hotel Xayat uu qaatay 36 saac, oo aheyd waqtigii ugu dheeraa ee Al-Shabaab ay haysteen hotel ku yaalla Muqdisho oo ay weerareen. 

Haddaba maxay tahay sababta ay waqtiga badan ugu qaadaneyso ciidanka ammaanka inay soo afjaraan weerarada noocan ah? Miyaanay aheyn in khibrad badan laga haysto maadaama muddo lasoo arkayey, iyo inuu jiro qorshe degan oo lagula tacaalo marka ay Al-Shabaab hotel galaan?