Howlgal culus oo ka dhacay magaalada Muqdisho kadib weerarkii hoteel Villa Rays

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ballaaran ka sameeyey xaafado ka tirsan Muqdisho, kuwaas oo ku soo aaday weerarkii ay Shabaab ku qaadeen hotelka Villa Rays oo ku dhow madaxtooyada.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa fuliyey ciidamada booliiska ee qeybta Waliyoow-Cadde, waxaana si gaar ah looga sameeyey degmada Xamarjajab.

Sidoo kale waxaa qayb ka ahaa ciidamada Booliska Xamarjajab iyo maamulka degmadaasi, iyada oo ciidamadu ay isku fidiyeen xaafadaha ay dagan yihiin dadka shacabka ah.

Ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo hal goob la’isugu keenay, waxaana halkaas kula hadlay saraakiisha ciidamada oo ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga, ayada kadib la sii daayey dadkii lasoo qab qabtay.

Isaaq Maxamed Ciise oo ah taliyaha qeybta Waliyow-Cadde oo la hadlay warbaahinta howlgalka kadib ayaa sheegay in jeedkooda uu ahaa la dagaalanka kooxaha ku howlan amniga darrada, kuwa ka ganacsada maandooriyaha iyo burcaddadhaca u geysata rayidka.

Taliyaha ayaa intaasi kusii daray in howlgalka uu sii socon doono, islamarkaana ujeedka uu yahay, sidii loo sugi lahaa guud ahaan amniga degmooyinka gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa haatan wajaheyso xaalad amni adag, waxaana culeyska soo saartay kooxda Al-Shabaab oo kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha caasimada.