Xog: Sidee ayey Qatar uga shaqeysay heshiiska DF iyo Waare (Waare oo saddex ku beddeshay heshiiska)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa heshiiska ay wada-gaareen madaxweynaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, kaasi oo soo afjaray khilaafkii labada dhinac ka dhex taagnaa.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan Hamza Asad Hashem uu ka shaqeeyay heshiiska labada dhinac, islamarkaana Waare uu heshiiska dowladda dhexe ku beddeshay saddex waxyaabo oo kale.

Sida aan xogta ku helnay maamulka HirShabelle, ayaa loo ballan-qaaday in bil walba uu saami aan la shaacin inta uu la eg yahay ku yeelan doono dakhliga kasoo xarooda dekedda Muqdisho. Arrintan ayaa ka mid ahayd waxyaabaha Waare uu kula dagaashanaa dowladda, isaga oo sheegay in dowladda dhexe hor-istaagtay inuu furto dekadda Ceel-Macaan ee duleedka Muqdisho, sidaas darteedna uusaan maamulkiisa haysan dekad dhaqaale uu kasoo galo, sida maamullada Puntland iyo Jubaland.

Waxaa sidoo kale heshiiska qeyb ka ah in HirShabelle ay wax ka hesho dhammaan deeqaha dowladda Qatar ay siiso dowladda federaalka, ayada oo dowladda dhexe loo soo marsiinayo balse uu damaanadaas qaaday safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan Hamza Asad Hashem.

Dhinaca kale dowladda ayaa ogolaatay inay dib u furto mushaharka ciidamada HirShabelle, kuwaasi oo waayey lacagtooda kadib markii ciidamada dowladda ee gobolka Shabeellada Dhexe ay horey dowladda u kala dirtay.

Saddexdan taageere dhaqaale, ayaa dhammaantood waxaa damaanad qaaday safiir Hassan Hamza Asad Hashem, waxaana ay qeyb ka tahay dadaal ay Qatar dooneyso inay maamul goboleedyada uga soo furto dowladda Imaaraadka Carabta, oo ay dhammaantood ku wada xiran yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com