Go’aankii uu WAARE kula heshiiyey DF oo shaaca ka qaaday wax naga qarsanaa

Madaxweynaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si rasmi ah warbaahinta uga shaaciyey in dowlad gobolleedkiisa iyo dowlada Federal-ka ah ay soo afjareen mad madowgii u dhexeeyey, oo ay hadda heshiis buuxa iyo wada shaqeyn isku afgarteen.

Arrintan ayaa imaaneysaa xilli dhawaan golaha iskaashiga maamul gobolleedyada ay Kismaayo uga dhawaaqeen in ay hakiyeen wada shaqeyntii kala dhexeysay dowladda Federal-ka Soomaaliya, iyaga oo u cuskaday qodobo badan oo ay ku sheegeen in ay ahaayeen ballamo ay dowladda uga baxday.

Hase ahaatee, heshiiska Waare uu la galay dowladda maxuu muujinayaa?

Kaddib markii ay bulshadu aqrisay nuxurkii iyo qodobadii ay maamul gobolleedyadu ugu mar marsiiyoodeen dowladda waxaa isa soo taray carada shacabka iyo sida ay uga dhiidhinayaan shirkii Kismaayo.

Waxaa taas barbar socday baaqyo dowladda uga imaanayey shacabka oo ahaa in aan waqti la’ isugu lumin madax gobolleedyada intooda badan uu dhammaaday muddo xileekoodii.

Taas, oo ay jirto, markii uu Waare mawqifkiisa bedelay kana soo baxay xeyn-daabkii golaha iskhaashatada dowlad gobolleedyada waxaa caddaatay in shirkii Kismaayo ahaa mid ay koox gaar ah wadatay oo aysan awalba isku dan ahayn dowlad gobolleedyada.

Tusaale, waxaa jirtay xogo sheegayey in hoggaamiyaha maamulka Kismaayo ee Jubbaland, Axmed Madoobe iyo Cabdiweli Gaas ay lahaayeen hindisaha shirkaas iyaga oo dareemayey cadaadis ol’ole oo si xoog leh uga socda deegaanadooda maadama ay doorashooyin ku soo fool leeyihiin.

Sidoo kale, Waare wuxuu sheegay inuu ka baxay heshiis ahaa inaan lala heshiin dowladda dhexe, haddii maamul goboleedyada daacad ka ahayd tabashadooda, maxay tahay sababta ay u yiraahdeen yaan lala heshiin dowladda? Maxayse u oran maamulkii cabashadiisa ay dowladda wax ka qabato hala heshiiyo.

Waxaa meesha ka cad in isbaheysigan ay wataan dad gaar ah, oo ujeedkoodu yahay carqaladeyn kaliya, oo aysan jirin wax kale.

Waxa hadda la sugo waa sida ay yeelaan madaxweyneyaasha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Koonfur Galbeed Shariif Sheekh Axmed, oo iyagana u muuqda sidii Waare in lagu daneysanayo.

W/Q: Jabriil Xuseen Wehliye
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid