Steve Bannon oo shaaca ka qaaday shirqool halis ah oo dalka Qatar loo maleegay

Washington (Caasimada Online) – Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar waxa ay qorsheenayeen in ay weerar ku qabsadaan dalka Qadar, waxaa sidaas xaqiijiyey madaxii istaraatijiyadda Aqalka Cad ee Mareykanka Steve Bannon.

Hadalkan oo uu sheegay 10 bilood kahor, xilli lagu jiray shir lagu qabtay xarunta machadka daraasaadka ee dhanka midig ee Hudson Institute, Bannon waxa uu ku sheegay  shirkii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo hoggaamiyeyaasha Carabta ee Riyaad lagu qabtay bishii Maajo 2017 looga xaajooday qabsashada Qadar. Hadaladdiisa waxa ay soo bexeen toddobaadkan.

“Waxaan aadnay shirkii UAE, Sacuudiga iyo kuwo kale; qodobka kowaad waxa uu ahaa waa in aan wax ka qabanno  maalgaliyeyaashan xagjirada Islaamka, wax intaas ka bandanna ma jiri doonaan – madaxweyne Trump waxa uu yiri –“Ciyaar dambe ma jiri doonto,” sidaas waxaa sheegay Bannon.

“Labada dhinacba ma joogi kartid. Dhinacna ma dhihi kartid waxaad tahay saaxiib iyo xulufo, dhinaca kalena waxaad maalgalisaa Ikhwaanul Muslimiin ama Xamaas,” ayuu hadalkiisa raaciyey isaga oo ula jeeda Qadar.

“Ma qabo in ay ahayd shil in laba toddobaad shirkaas kaddib aad aragto cunaqabateynta ay Qadar ku soo rogeen Imaaraadka Carabta, Baxreyn, Egypt iyo  Sucuudiga,” ayuu yiri Bannon.

Waqtigii uu socday shirka, Bannon waxa uu sheegay in uu warbixinno la wadaagay Sacuudiga, UAE iyo Egypt.

Caasimada Online
Xafiiska Washington
Caasimada@live.com