Golaha iskaashiga maamul goboledyada oo jawaab ka bixiyey go’aankii WAARE

Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada ayaa jawaab deg deg ah ka bixiyey go’aankii uu Maanta qaatay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare kaasoo la heshiiyey dowladda Dhexe.

Maamul Goboleedyada ayaa sheegay inaysan waxba ka khuseyn go’ankii uu qaatay Waare isla markaasna aysan waxba u dhimi karin jiritaanka Iskaashigaan.

Waxay sheegeyn inuu Waare u madax banaan yahay go’aan ka gaaridda mustaqbalka Maamulkiisa iyo dowladnimada Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale sheegeen in dhibaatada taagan iyo khilaafka ka dhex jira dowladda Federaalka iyo dowlad Goboledyada uu yahay mid ku qotoma Arrimaha Amniga,Kheyraadka dalka , Dastuurka iyo awood qeybiga.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeed ay soo saareen.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qodobada kasoo baxay Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada.