CC Shakuur oo shaaciyey in madax goboleedyada dalka loo dhigay shirqool

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga mucaaradka ah C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in dowlada Somalia ay wali wado khaldan u mareyso la dhaqanka iyo casuumaada ay u sameyneso Madaxda maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Waxa uu C/raxmaan C/shakuur Warsame sheegay in dowlada ay khalad muuqda ku gashay in meel ka dhac uu tilmaamay in lagu sameeyay maamulada waxa uuna carab dhabay in xaalada u dhexeysa dowlada Dhexe iyo maamul Goboleedyada ay tahay mid hoos u dhigtay rajada, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in cid waliba ay dareemi karto in xaalada uu ku jiro dalka ay tahay mid maalinba maalinka ka dambeysa cirka isku sii shareereysa, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in dowladaa Dhexe ay isku diyaarineyso faragalin doorasho.

“Hogaamiye la doonaayo in lagu faragaliyo doorashadiisa kama dageyso inuu la heshiiyo dowlada waana arrin iska cad in maamulada loo dhigay shirqool”

“Dowladu iyaduba yeeli meyso in la faragaliyo marka garan mayo sida ay maamulada ku yeeli karan faragalin”

Wuxuu tilmaamay in madaxda maamul goboleedyada ay diyaar u yihiin inay ka qeyb galaan doorashooyinka, islamarkaana aysan ka soo horjeedin, kadib markii maalmihii dambe uu soo baxay war la xiriira in madaxda ay qaar doonayaan inay sameystaan mudo kororsi.

“Dowladu waa inay cadeyn u keenta in madaxda maamulada ay doonayaan waqti kororsi maadaama iyaguba ay horay u sheegen inay qabanayan doorashada”

Sidoo kale, C/raxmaan C/shakuur Warsame, waxa uu mudgi galiyay in maamulada dalka ay ku tagrifalayaan Dastuurka dalka, waxa uuna taa bedelkeeda carab dhabay in mar waliba laga khaldan yahay maamulada maadaama ay dowladuba ku dhisan tahay.

Haddalka C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa daba socda mid maalmahani uu ku taageerayay maamulada oo iyagu ka gadoodsan khaladaad ay ka tabanayaan madaxda Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com