Dhageyso WAARE: “Madax goboleedyada waxaan uga baxay heshiis, haddii DF ay igu xumeyso waa 2 geeri”

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Muqdisho kaga dhawaaqay inay heshiis buuxa dowladda dhexe ka gaareen khilaafkii u dhaxeeyay labada dhinac, ayna ka wada shaqeyn doontaa danta dadka, gaar ahaa HirShabelle.

Shirka jaraa’id ee Muqdisho ku qabtay ayuu Waare shaaca ka qaaday inuu jiray heshiis ay madaxda maamul goboleedyada ku gaareen inaan lala heshiin dowladda dhexe, balse isaga uu saaxiibadiisa heshiiska uga baxay.

“Anaga saaxiibadeenna waxaan uga baxnay ballan. Ballanta waxay ahayd inaan gacmaha is-haysano, oo aan dowladda la heshiin, waana ka baxnay ballantaas, marka waxaan ka rajaynaa in dowladda ay kasoo abxdo heshiiska aan gaarnay” ayuu yiri Waare.

Waxa uu intaas ku daray in haddii dowladda ay fulin weyso waxyaabaha ay ku heshiiyeen ay taas la macno tahay laba geeri, oo uu ula jeeday in maamul goboleedyadiina uu kasoo goostay, dowladda dhexe-na uusan ka helin wixii uu rabay.

Madaxweynaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dhinaca kale sheegay in dowladda oo fulisa waxyaabaha uu kula heshiiyey ay mamaul goboleedyada kale ku dhiiri gelin karto inay iyagana heshiis qaataan, maadaama ay arki doonaan in dowladda la aamini karo, oo la isku haleyn karo.

Hoos ka dhageyso hadlaka Waare

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com