Xog: Kulan kadib, Farmaajo muxuu ka ballan-qaaday qoyska gabadhii 9 jirka ee lagu toogtay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaal-ka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta xarunta madaxtooyada kula kulmay qoyskii ay ka dhimatay Deeqa Daahir.

Deeqa Daahir oo ahayd gabadh 9 sano jir ah ayaa askari ka tirsan ciidamada dowladda ku dilay magaalada Muqdisho, askarigaas oo la sheegay in maanta ay ciidamada amniga gacanta kusoo dhigeen.

Dhacdadan oo ahayd mid aad uga nixisay bulshada Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu baahday baraha bulshada iyo warbaahinta oo dhan.

Madaxweynaha waxa uu qoyska uga tacsiyeeyey geerida gabadhooda isaga oo u muujiyey in uu dareenka xanuunka badan la qeybsanayo.

Sidoo kale madaxweynaha waxa uu qoyska u ballan qaaday in cadaaladda la horkeedi doono askarigii dilay gabadha oo markaas ka soo laabatay Iskuulkii ay dhigan jirtay.

Deeqa Daahir, eebe ha’unaxariistee, waxaa lagu aasay maanta magaalada Muqdisho iyada oo ay duugteeda ka qeybgaleen boqolaal qof oo u badnaa ardaydii Iskuulka ay dhigan jirtay saaxiibka ku lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com