26.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xog + Sawirro: Yuu ahaa ninkii fuliyey qaraxii maanta, sideese u dhacay? + Xaqiiqda tirada dhimashada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidamin ah oo ka dhacay warshadii hore ee Nac naca, kaasi oo sababay dhimashada iyo dhaawaca askar badan oo dowladda ka tirsan.

Qaraxaasi ayaa waxaa fuliyay marka hore ruux waxyaabaha qarxa isku xiray ayaa gudaha u galay xerada ciidamada xili ay tababar ku jireen ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana kadib is qarxiyay ruuxa qaraxa isku xiray.

Qofka qaraxa fuliyey ayaa la sheegay inuu ahaa askari ka tirsan ciidamada, oo tababar kusoo qaatay dalka Sudan.

Qaraxaasi waxaa ku dhintay inka badan 15 askari askari oo xiligaasi tababar qaadaneysay, waxaana kadib xigay gaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyay oo gudaha u galay xarunta, sida ay xog gaar ah ku hayso Caasimada Online.

Waxaa dadka dhintay ku jira 6 sarkaal oo sare, oo mid ay ahayd haweeney.

Si kastaba, dowladda ayaa ku adkeysaneysain qaraxa ay ku dhinteen shan askari oo kaliya.

Qaar kamid ah dadka ka badbaaday weerarka ayaa sheegaya in kadib uu dhacay weerar rasaas ah oo loo malaynayo in ugu yaraan labo ruux ay ka dambeeyeen, waxaana ku dhintay goobta askar badan.

Inka badan 10 uux oo dhaawacyo qaba ayaa la dhigay xarumaha caafimaadka ee ku yaala magaalada muqdisho, waxaana badankood ay ahaayeen kuwo qaba dhaawacyo daran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News