Ceeb: Galmudug oo iska bixin la’ lacago ay deen ku qaaten

Cadaado (Caasimada Online) – Galmudug ayaa laga dalbaday bixinta dhaqaale xoogan oo lagu bixiyay dhismaha Hoolka weyn oo ay ka dhacaan doorashooyinka maamulka.

Ganacsade Xuseen Diiriye Afrax, oo ah shaqsiga bixiyay dhaqaalaha ku baxay dhismaha Hoolka ay ka dhacaan doorashooyinka Galmudug ee magaalada Cadaado ayaa sheegay inaan wali lasiin dhaqaalaha uga baxay dhismaha Hoolka.

Ganacsadaha Xuseen Diiriye Afrax, ayaa sheegay inuu la’ yahay meel uu u raaco lacagta kaga baxday dhismaha Hoolka waxa uuna meesha ka saaray in lacagtaasi uu cafiyay.

Ganacsade Xuseen oo la hadlay Idaacadda SMN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in deentan muddo labo sano ah uu ku leeyahay Maamulka Galmudug, islamarkaana Madaxtooyada Maamulkaasi aysan siin lacagta uu sheeganayo.

Waxa uu sheegay in dhowr jeer loo sameeyay ballanqaadyo lagu bixinaayo lacagta uu leeyahay balse aanu jirin cid dhag jalaq u siisay cabashadiisa, waxa uuna carab dhabay in talaabada noocaasi ah ay tahay mid ceyb ah.

”Waxaan cabashadeyda u gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug, ma jirto wax jawaab ah oo aan ka helay ilaa iyo hadda waxaan u baahanahay lacagta iga gashay dhismaha Hoolka ee aan kuwada heshiinay maamulka”

Dhinaca kale, waxaan jirin wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulka Galmudug oo ku aadan cabashada Ganacsade Xuseen Diiriye Afrax.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com