DF oo madaxda Ahlu-Sunna iyo Galmudug uga yeertay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumada Somalia ayaa magaalada Muqdisho uga yeertay dhammaan Madaxda ugu sareysa maamulka Galmudug.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somalia Cabdi Faarax Juxa, ayaa Mas’uuliyiintaasi saacadihii lasoo dhaafay ku wargaliyay inay iska soo xaadiriyaan magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sidoo kale, madaxda maamulka Ahlusuna ku wargaliyay in iyaguna ay soo gaaran magaalada Muqdisho, waxa uuna ujeedku yahay in labada maamul ay kawada qeybgalaan shir uga furmi doona magaalada Muqdisho.

Wararku waxa ay sheegayaan in DFS ay labada dhinac kala dhex dhigi doonto Heshiis ka hor inta aan la gaarin xiliga Doorashada.

DFS iyo maamulka Galmudug ayaa dhawaan ku heshiiyay in dib loo dhigo Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo maanta lagu balansanaa in ay dhacdo, balse la isku afgartay in 30-ka Bishan la qabto.

Dhinaca kale, Ahlusuna ayaa maalinimadii shalay diiday in shirka lagu wada hadalsiinaayo iyaga iyo maamulka Galmudug lagu qabto magaalada Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com