Baardheere (Caasimada Online )- Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya waxyaabaha ka dambeeyay qaraxyo ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana ka hadlay saraakiil ka tirsan maamulka degmada.
Qaraxyada ka dhacay degmada Baardheere ayaa la xaqiijiyay iney ka badnaayeen shan qarax, waxaana soo baxaya iney geysteen khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.
Inta la xaqiijiyay labo kamid ah dadka deegaanka ayaa ku dhintay qaraxyada ka dhacay degmada Baardheere, waxaana dhaawacyo ay kasoo gaareen askar Ethiopian ah, sida saraakiisha ciidamada dowlada ay xaqiijiyeen.
Cabdi Sheikh Xasan, oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowlada ee kusugan degmada ayaa xaqiijiyay in qaraxyada ay ka koobnaayeen shan qarax, lana doonayay in lagu qarxiyo ciidamo ka socdo Ethiopia oo doonayay iney biyo ka dhaansadaan magaalada.
Si gaar ah Qaraxyadan waxa ay kaga dhaceen wadada u dhaw Shirkadaha, isaga oo sheegay Sarkaalkaan in ciidamada ay ku guuleysteen inay soo saaraan labo Miino.
Magaalada Xaaladeeda ayuu sheegay inay tahay mid nabdoon oo aysan wax saameyn ah yeelan Qaraxyadaasi ka dhacay Bartamaha Magaalada Baardheere.
Caasimada Online
Xafiiska Gedo
[email protected]

