25.4 C
Mogadishu
Sunday, June 15, 2025

Xog: Yaa ka dambeeyey in gobolka Banaadir uu xubno ka waayo 18-ka kursi ee lagu daray Aqalka Sare

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyayaasha Madasha Qaran ayaa isku raacay in 18 kursi oo dheeri ah lagu kordhiyo Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya, hase yeeshee 18-kaas kursi ayaan waxba laga siin gobolka Banaadir.

Gobolka Banaadir oo ah gobolka ugu dadka badan Soomaaliya, ayaa ah gobolka kaliya ee aan wax matalaad ah ku lahayn Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya.

Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dadaallo la doonayey in 18-ka kursi ee cusub qeyb laga siiyo gobolka Banaadir ay diideen siyaasiyiinta beesha Daarood ee ka qeyb galay shirka Madasha, ayaga oo ku adkeystay mowqifkoodii hore ee ahaa in gobolkan uusan matalaad yeelan.

Maamullada Puntland iyo Jubaland oo uu wehliyo ra’iisul wasaare Sharmaarke ayaa mowqif isku mid ah arrintan ka istaagay, sida aan xogta ku helnay, waxaana la sheegay in ayada oo aan dood dheer laga gelin arrintan si fudud looga tanaasulay, taasi oo ku tuseysa sida dadka deggan gobolka ay u qiimo beeleen.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in lasoo jeediyey in lixda xubnood ee maamullada Galmudug iyo Hirshabelle iyo xubin ka mid ah Koonfur Galbeed la siiyo gobolka Banaadir, si beelaha diidan xuquuqda gobolka Banaadir ugu qancaan in xubno dheeri ah aysan qaadaneyn beelaha Hawiye, taasi oo sidoo kale ay diideen.

Siyaasiyiinta Daarood ayaa qorshahaas u diiday ayaga oo ka cabsi qaba sida la sheegay in tani ay noqoto sharci, oo mustaqbalka dambe uu gobolka Banaadir sidaas ku yeesho xuquuq.

Dadka degan gobolka Banaadir ayaan wax dhibaato ah u arkin inkirmaadda ay ku sameeyeen xubnaha madasha iyo dowladda federaalka ee degan gobolka, kuna shaqeysa canshuurta dadka degan gobolka, maadaama aysan muuqan wax qeylo dhaan ama dibadbaxyo ah oo ay arrintan ay ka sameynayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News