Xog: Sidee ku yimid safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee IMAARAADKA CARABTA?

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhigay Imaaraadka Carabta dalkii ugu horreeyey ee uu booqday kadib markii dib loo doortay 15-kii May 2022. 

Booqashada Xasan Sheekh ayaa tusmeysay isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda arrimaha dibedda Soomaaliya oo shantii sano ee lasoo dhaafay aheyd mid ku dhisan rabitaanka dalka Qatar oo ay xifaaltamaan Imaaraadka, inkasta oo marka arrimo badan la eego danta Soomaaliya ay ku xiran tahay Imaaraadka Carabta.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in socdaalka Xasan Sheekh uu ku yimid codsiyo soo noqnoqday oo ka imanayey Abu Dhabi tan iyo markii madaxweynaha dib loo doortay. 

“Codsiga iyo cadaadiska ka imanayey Abu Dhabi wuxuu mararka qaar u muuqday baryootan, aad ayey uga go’neyd Imaaraadka in madaxweynaha uu ku sharfo booqashada koowaad. Marar badan ayuu safiirkooda isaga soo daba laabtay Villa Somalia,” ayuu yiri il-wareed ku dhow madaxweynaha.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Imaaraadka Carabta ayaa ballan-qaaday taagero oo weyn oo dhanka amniga ah oo ay siinayaan Soomaaliya, si gaar ahna in dalka laga xoreeyo Al-Shabaab muddo kooban gudaheed. 

Wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ka mid ahaa agaasimaha NISA Mahad Salaad, oo xitaa fadhiyey kulankii madaxweynaha iyo dhiggiisa Imaaraadka Carabta Sheikh Mohammed bin Zayed, taasi oo muujisay muhiimadda amni ee socdaalka madaxweynaha. 

Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan ayaa kulanka Xasan Sheekh ka xaqiijiyay taageerada joogtada ah ee aan waxba laga kala reebin ee Imaaraadka Carabta ay siiso dadka Soomaaliyeed si ay ugu guuleystaan hammigooda horumarineed, xasillooni, barwaaqo iyo dhisidda mustaqbal wanaagsan oo shacabkooda ay helaan. 

Imaaraadka ayaa horey u tababari jiray qaar ka mid ah ciidamada militariga Soomaaliya kahor inta aanay isku dhicin dowladdii Farmaajo bishii April 2018, taasi oo keentay inay xiraan saldhiggoodii militari ee Muqdisho. 

Ayada oo muujineysa sida safarkan muhiim ugu ahaa Abu Dhabi, ayaa dhammaan wargeysyada ugu waa weyn dalkaas waxaa shalay bogga horey ay sheekada ugu weyn ka dhigeen socdaalka madaxweynaha Soomaaliya. 

Hab dhaqanka Imaaraadka Carabta iyo sida ay uga dhabeeyeen ballan-qaadyadooda bilaha soo socda, ayaa kala caddeyn doonto haddii daneyntooda Soomaaliya ay tahay mid dhab ah.