Turkey oo fashilisay shirqool yaab leh oo IRAN ay ka fulin laheyd magaalada Istanbul

Istanbul (Caasimada Online) – Sirdoonka Turkey ayaa Khamiistii shaaca ka qaaday inay fahsiliyeen shirqool ay Iran ku weerari laheyd safiirkii hore ee Israel ee Turkey oo ka dhici lahaa magaalada Istanbul.

Sida ay ku warrameen warbixinada, Iran ayaa qorsheysay inay afduubato dhowr dalxiisayaal oo Israeli ah iyo diblomaasiyiin ku sugan Istanbul oo uu ku jiro safiirkii hore ee Israel iyo xaaskiisa, ayna diyaarisay howlwadeenadii weerarka fulin lahaa – ayada qaar ka mid ah Israa’iiliyiinta la badbaadiyey waxyar kahor inta aanu weerarku dhicin. 

Sirdoonka Turkey iyo booliska ayaa Jimcihii tegay xiray 10 qof oo la tuhunsan yahay, oo ay ku jiraan xubno meelo fog wax ka toogta iyo dad la shaqeynayey oo ku sugnaa hotelka Sol Hotel iyo guryo kale oo ku yaalla Istanbul.

Wakiilo ka tirsan sirdoonka Iran iyo Ilaalada Kacaaka Islaamiga ah ayaa iska dhigay arday, ganacsato iyo dalxiiseyaal si ay u afduubtaan Israa’iiliyiinta. 

Turkey waxay sheegtay in sirdoonka Israel ee Mossad ee heleen Israa’iiliyiinta islamarkaana ay diyaarad khaas ah ugu duuliyeen Israel. 

Inkasta oo lagu guuleystay in howlgalkan la fashiliyo, haddana saraakiisha Israel waxay sheegeen in weli ay jirto halis ka imaneysa Iran oo ay wajahayaan Israa’iiliyiinta ku sugan Turkey.

Saraakiisha waxay sheegeen inay jiraan ugu yaraan saddex unug oo Iranian oo aan weli la xirin, islamarkaana in la raad-raaco oo lasoo xiro ay noqon doonto hanaan waqti badan qaata. 

Waxaa la rumeysan in Iran ay aad u dooneyso inay meel un kasoo afduubato Israa’iiliyiin si ay guul ugu muujiso shacabkeeda xilli dagaal xooggan oo sirdoon uu u dhaxeeyo labada dal.

Warka ku saabsan shirqoolka la fashiliyey ayaa yimid waxyar un kahor inta aanu wasiirka arrimaha dibedda Israel, ahna ra’iisul wasaaraha cusub ee dhowaan xilka la wareegaya Yair Lapid aanu iman Ankara.

“Toddobaadyadii tegay nolosha muwaadiniin Israeli ah ayaa la badbaadiyey, waxaana ku mahadsan wada-shaqeynta amni iyo diblomaasiyad ee Israel iyo Turkey,” ayuu yiri Lapid. 

“Iran ayaa ka dambeysay isku dayada weeraradan argagixiso. Sirdoonku taasi shaki kama qabo. Kama hadleyno kaliya dilka muwaadiniin Israeli ah oo aan waxba galabsan, balse xadgudub cad oo ka dhan ah qarannimada Turkey. Dalna ma ahan inuu dulqaato argagixiso ku sugan ciddiisa,” ayuu yiri Lapid.