Farriin ku socota waalidiinta Soomaalida ee dhalashada Netherlands haysta + Video

Amsterdam (Caasimada Online) – Maadaama ay bilowdeen xilliyada fasaxyada dugsiyadda, waxaa la xasuusinayaa waaladiinta Soomaaliyeed ee haysta dhalashada waddanka Netherlands inay ka digtoonaadaan gudniinka gabdhahooda, kaasoo haddii lagu helo ay muteysan karaan ciqaab xabsi iyo ganaax isugu jira.

Zahra Siyaad Naaleeye oo madax ka ah mashruuca ka hortagga gudniinka gabdhaha ayaa shir jaraaíd oo ay toddobaadkan ku qabatay xafiiska dalladda Isutagga ururada Soomaalida ee magaceeda loo soo gaabiyo FSAN ayaa ku celcelisay

“Maadaama 2dii sanno ee ugu dambeysay ay duniddu kala xirneyd xanuunka Caronaha dartiis, sannadkan waxaa suurtagal ah waalidiin badan in ay caruurtooda fasax u wadaan, waxaan xusuusinayaa waalidiintaasi in aysan ku kadsoomin in ay gabdhahooda soo gudaan” Ayeey tiri Zahra Naaleeye, waxaya intaasi raacisay in sharci adag laga soo saaray gudniinka gabdhaha.

HOOS KA DAAWO VIDEO-GA